Why Does Everything Feel Harder Than It Should?

There's a quiet frustration that builds when everything—no matter how small—demands more from you than it used to. Things that once happened without thought now require full attention. You don't just do things anymore—you think through them, second-guess them, and sometimes even hesitate before acting.

It's not just about learning something new. It's about unlearning what used to feel natural.

You realize that your instincts, your rhythm, even your sense of timing were shaped by a different environment. Here, those same instincts don't always work. What once guided you confidently now feels uncertain. And that gap—between what you know and what works here—creates constant mental tension.

That's why everything feels harder than it should.

Because you are not operating on autopilot anymore.

You are aware of everything. Your words. Your movements. Your decisions. There is no background ease—only conscious effort. And that level of awareness, sustained over time, is exhausting in a way few people talk about.

It can make you question yourself.

“Why is this so difficult for me?”
“Why does it feel like I'm behind on things everyone else handles easily?”

But what you're experiencing is not failure—it's friction.

Friction between who you were in a familiar environment and who you are becoming in a new one.

And friction, by its nature, is uncomfortable. But it is also what shapes, sharpens, and strengthens.

About time, something begins to shift.

Not suddenly, not dramatically—but subtly.

The things that once required effort start to feel lighter. The pauses become shorter. The hesitation fades. You stop translating every step in your head and start to move with a sense of flow again.

And one day, without realizing when it happened, you handle something with ease that once overwhelmed you.

That's when you understand:

It was never that things were too hard.

It was that you were in the process of becoming someone who could handle them.

 

 

Maxay Wax Walba Ugu Adag Yihiin Sida Ay U Muuqdaan?

Waxaa jira niyad-jab aamusan oo si tartiib ah u kordha marka wax walba—xitaa kuwa ugu yaryar—ay kaa dalbanayaan wax ka badan sidii hore. Waxyaabihii aad si dabiici ah u qaban jirtay hadda waxay u baahan yihiin feejignaan buuxda. Mar dambe si toos ah uma qabatid waxyaabaha—waad ka fikirtaa, mararka qaar waad ka labalabaysaa, xitaa waad hakataa ka hor intaadan tallaabo qaadin.

Ma aha oo kaliya inaad wax cusub baranayso.

Waa inaad ka tagaysaa wixii hore kuu sahli jiray.

Waxaad ogaataa in dareenkaaga, hab-dhaqankaaga, iyo xitaa waqtiga aad wax u qabato ay ku dhisnaayeen deegaan kale. Halkan, isla dareenkaas mar walba ma shaqeeyo. Waxa hore kuu hagayay hadda wuxuu noqdaa mid aan la hubin. Farqigaas—u dhexeeya waxa aad taqaan iyo waxa halkan shaqeeya—wuxuu abuuraa culays maskaxeed oo joogto ah.

Taasi waa sababta wax walba ugu adkaanayaan.

Sababtoo ah mar dambe si toos ah uma socoto.

Waxaad ka warqabtaa wax walba. Hadalkaaga. Dhaqdhaqaaqaaga. Go'aamadaada. Ma jiro fudayd qarsoon—wax walba waxay u baahan yihiin dadaal muuqda. Dadaalkaas joogtada ahna wuxuu keenaa daal aan si sahlan loo sharxi karin.

Mararka qaar waxaad is weydiisaa:

“Maxay tan iigu adagtahay?”
“Maxaan uga gaabinayaa waxyaabaha dadka kale si fudud u sameeyaan?”

Laakiin waxa aad la kulmayso ma aha guuldarro—waa isqabqabsi.

Isqabqabsi u dhexeeya qofkii aad ahayd iyo qofka aad noqoneyso.

Isqabqabsigu waa mid aan raaxo lahayn. Laakiin sidoo kale waa waxa ku qaabeeya, ku adkeeya, kuna diyaariya.

Waqti ka dib, wax ayaa si tartiib ah isu beddela.

Ma aha si degdeg ah, mana aha si weyn—laakiin si hoose.

Waxyaabihii culayska ahaa way fududaadaan. Hakadkii wuu yaraadaa. Labalabadii way baaba'daa. Waxaad joojisaa inaad wax walba maskaxda ku tarjunto, waxaadna bilaabaysaa inaad si dabiici ah u socoto mar kale.

Halmaalin, adigoon ogaanin goorta ay dhacday, waxaad si fudud u qabataa wax markii hore kugu adkaa.

Markaas ayaad fahmaysaa:

Ma ahayn in waxyaabuhu aad u adkaa.

Waxay ahayd inaad ku jirto geeddi-socod aad ku noqonayso qof awood u leh inuu qabto.

— Abdiqani Mustafa Ali.

Add comment

Comments

There are no comments yet.