Dhiig-karka: Dilaaga Aamusan Ee Ay Tahay In Qoys Walba Oo Soomaaliyeed Uu Fahmo

High Blood Pressure: The Silent Killer Every Somali Family Should Know About

English

High blood pressure, also known as hypertension, is one of the most common health conditions worldwide. It affects millions of people, yet many do not realize they have it because it often develops without noticeable symptoms. This is why doctors frequently refer to it as the "silent killer." If left untreated, high blood pressure can lead to heart disease, stroke, kidney failure, and other life-threatening complications.

Blood pressure is the force of blood pushing against the walls of your arteries as your heart pumps blood throughout your body. A normal blood pressure reading is generally around 120/80 mmHg . When blood pressure remains consistently high over time, the heart must work harder to pump blood. This extra strain damages the blood vessels and vital organs.

Unfortunately, hypertension is becoming increasingly common within the Somali community. Changes in lifestyle, reduced physical activity, unhealthy eating habits, smoking, stress, and obesity all contribute to the growing number of cases. Family history also plays an important role, meaning some people have a higher risk even if they feel healthy.

One of the biggest dangers of high blood pressure is that most people experience no symptoms at all. However, in severe cases, some individuals may develop headaches, dizziness, blurred vision, chest pain, shortness of breath, or nosebleeds. These symptoms should never be ignored and require immediate medical attention.

Several factors increase the risk of developing hypertension. Eating too much salt, consuming processed foods, drinking excessive amounts of alcohol, smoking, carrying excess body weight, and living a physically inactive lifestyle all place extra pressure on the cardiovascular system. Chronic stress and poor sleep can also contribute to rising blood pressure over time.

The good news is that hypertension can often be prevented or controlled through healthy daily habits. Reducing salt intake is one of the most effective steps you can take. Instead of relying on processed foods, prepare fresh meals using vegetables, fruits, beans, whole grains, fish, and lean proteins. Traditional Somali meals can still be healthy when prepared with less salt and less unhealthy fat.

Physical activity is equally important. Walking, cycling, swimming, or any moderate exercise for at least 30 minutes on most days helps strengthen the heart and improve blood circulation. Maintaining a healthy body weight also reduces the workload on your heart.

Managing stress should not be overlooked. Spending time with family, praying, exercising, getting enough sleep, and talking to trusted friends can all help reduce stress levels. Mental well-being and physical health are closely connected.

Regular blood pressure checks are essential because hypertension often has no warning signs. Adults should have their blood pressure measured during routine medical visits, especially after the age of 40 or earlier if there is a family history of hypertension or heart disease.

If your doctor prescribes medication, take it exactly as directed. Never stop medication simply because you feel well. High blood pressure often causes no symptoms, but the damage may continue silently if treatment is interrupted.

As a community, we can reduce the burden of hypertension by encouraging healthier lifestyles, supporting one another, and promoting regular health screenings. Every healthy meal, every walk, and every positive lifestyle choice helps protect our hearts and improve our quality of life.

Disclaimer: This article is for educational purposes only and does not replace professional medical advice. Always consult a qualified healthcare professional regarding your health.

Dhiig-karka: Dilaaga Aamusan Ee Ay Tahay In Qoys Walba Oo Soomaaliyeed Uu Fahmo

Somali

Dhiig-karka, oo sidoo kale loo yaqaan hypertension , waa mid ka mid ah cudurrada ugu badan dunida maanta. Malaayiin qof ayaa qaba, laakiin qaar badan ma oga sababtoo ah cudurkani inta badan calaamado muuqda ma laha. Taasi waa sababta loogu yeero “dilaaga aamusan.” Haddii aan la daaweyn, dhiig-karku wuxuu sababi karaa cudurrada wadnaha, istaroogga, kelyaha oo shaqadooda waaya, iyo dhibaatooyin kale oo halis ah.

Dhiiggu wuxuu ku wareegaa jirka isagoo cadaadis ku saaraya xididdada dhiigga marka wadnuhu garaacayo. Cadaadiskan ayaa loo yaqaan dhiig-kar. Heerka caadiga ah ee dhiig-karku guud ahaan waa 120/80 mmHg . Marka cadaadiska dhiiggu muddo dheer sareeyo, wadnuhu wuxuu ku khasbanaadaa inuu si xoog badan u shaqeeyo. Tani waxay dhaawacdaa xididdada dhiigga iyo xubnaha muhiimka ah ee jirka.

Bulshada Soomaaliyeed waxaa kissoo badanaya dadka qaba dhiig-karka. Isbeddelka qaab nololeedka, jimicsi la'aanta, cuntooyinka warshadaysan, sigaarka, walbahaarka iyo cayilka ayaa dhammaantood kordhiya halista cudurkan. Sidoo kale haddii qoyskaaga uu ku badan yahay dhiig-karku, adiguna waxaad Leedsahay halis dheeraad ah.

Mid ka mid ah waxyaabaha ugu halista badan ee dhiig-karka waa inuu inta badan uusan lahayn wax calaamado ah. Dadka qaar ayaa laga yaabaa inay dareemaan madax-xanuun, dawakh, aragga oo daciifa, laab xanuun ama cousinsashada oo ku adkaata marka dhiig-karku aad u sarreeyo. Calaamadahan waa in si degdeg ah loogu tagaa xarun caafimaad.

Waxyaabaha kordhiya halista dhiig-karka waxaa ka mid ah cusbo badan, cuntooyinka warshadaysan, sigaarka, khamriga, cayilka, jimicsi la'aanta iyo walbahaarka joogtada ah. Hurdo la'aantu sidoo kale waxay saameyn kartaa caafimaadka wadnaha.

Warka wanaagsan ayaa ah in dhiig-karka laga hortagi karo ama si wanaagsan loo xakameyn karo. Yaree isticmaalka cusbada, cun khudaar iyo miro badan, kalluun, digir iyo badarka aan la sifayn. Cuntooyinka Soomaaliyeed waxay noqon karaan kuwo caafimaad leh haddii lagu yareeyo cusbada iyo dufanka aan caafimaadka u fiicnayn.

Jimicsigu waa muhiim. Socod,baaskiil wadid ama jimicsi kale oo dhexdhexaad ah ugu yaraan 30 daqiiqomaalintii wuxuu xoojiyaa wadnaha wuxuuna hagaajiyaa wareegga dhiigga. Ilaalinta miisaan caafimaad leh waxay sidoo kale yareysaa culayska saaran wadnaha.

Walbahaarka waa in si wanaagsan loo maareeyaa. Salaadda, waqti la qaadashada qoyska, jimicsiga, hurdo ku filan iyo la hadalka dadka aad ku kalsoon tahay waxay dhammaantood caawiyaan caafimaadka maskaxda iyo wadnaha.

Waxaa muhiim ah in si joogto ah loo cabbiro dhiig-karka, maadaama uusan inta badan calaamado lahayn. Dadka waaweyn waa inay dhiig-karkooda hubiyaan ugu yaraan sannadkii hal mar, gaar ahaan haddii ay ka weyn yihiin 40 sano ama ay qoyska uga jiraan cudurrada wadnaha.

Haddii dhakhtarku kuu qoro dawo, u qaado sida laguu faray. Ha joojin daawada adigoo is leh waad fiicnaatay. Dhiig-karku wuxuu sii wadi karaa inuu dhaawac geysto xitaa marka aadan wax calaamado ah dareemayn.

Bulsho ahaan waxaan yareyn karnaa dhibaatada dhiig-karka annagoo dhiirrigelinayna cunto caafimaad leh, jimicsi joogto ah iyo baaritaanno caafimaad oo joogto ah. Doorasho kasta oo caafimaad leh moonta waxay ilaalin kartaa wadnahaaga berri.

Ogeysiis: Qoraalkan waxaa loogu talagalay wacyigelin caafimaad oo keliya. Ma beddelayo talada dhakhtar ama daaweyn xirfadeed. Haddii aad qabto walaac caafimaad, la xiriir xirfadle caafimaad.

 

— Abdiqani Mustafa Ali.



Add comment

Comments

There are no comments yet.