Physical Activity and Health
Regular movement supports the heart, muscles, bones, sleep and mental wellbeing. Expensive equipment is unnecessary: walking, taking stairs, cycling, active play with children and energetic household tasks can all help.
Begin at a level that suits your ability. Start with short periods and increase gradually. Break up long periods of sitting by standing or walking regularly. If you have heart disease, breathing problems, an injury or pregnancy, ask a healthcare professional which activities are safest for you.
Stop exercising and seek help if you develop chest pain, severe breathlessness, fainting or unusual pain.
Medical disclaimer: This article provides general education only and does not replace professional medical advice.
Dhaqdhaqaaqa Jirka iyo Caafimaadka
Dhaqdhaqaaq joogto ahi wuxuu caawiyaa wadnaha, murqaha, lafaha, hurdada iyo caafimaadka maskaxda. Uma baahnid qalab qaali ah: socod, jaranjaro fuulid, baaskiil, ciyaar carruurta lala sameeyo ama shaqada guriga oo firfircoon dhammaantood way faa’iido leeyihiin.
Ku bilow heer ku habboon awooddaada. Samee waqtiyo gaaban, dabadeed si tartiib ah u kordhi. Iska yaree fadhiga dheer adigoo marar badan istaagaya ama soconaya. Haddii aad qabto xanuun wadne, neef, dhaawac ama uur, weydii xirfadle caafimaad nooca dhaqdhaqaaq ee kuu ammaan badan.
Jooji jimicsiga oo raadi gargaar haddii aad yeelato laab-xanuun, neef-qabatin daran, suuxdin ama xanuun aan caadi ahayn.
Ogeysiis caafimaad: Qoraalkani waa wacyigelin guud oo keliya mana beddelayo talada dhakhtar.
— Abdiqani Mustafa Ali.
Add comment
Comments