Cunto Caafimaad Leh | Healthy Eating for Somali Families

 

Healthy Eating for Somali Families

Healthy eating does not require abandoning every traditional food. Aim for balanced meals with vegetables, beans, whole fruit, less-refined grains and healthy protein such as fish or lean meat. Choose water instead of sugary drinks, limit excess salt and unhealthy fats, and pay attention to portion size.

Start gradually: add vegetables to lunch and dinner, choose whole fruit instead of juice, and favour home-prepared food over heavily processed options. Involve children in preparing meals so healthy habits become familiar.

If you have diabetes, high blood pressure, kidney disease or another condition, your dietary needs may differ. Ask a clinician or registered dietitian for advice suited to you.

Medical disclaimer: This article is for general education and does not replace professional medical advice.

 

Cunto Caafimaad Leh oo Qoyska Soomaaliyeed Ku Habboon

Cunto caafimaad leh ma aha in laga tago dhammaan cuntooyinka dhaqanka. Ujeeddadu waa in saxanka lagu dheellitiro khudaar, digir, miro, badar aan si badan loo sifayn iyo borotiin caafimaad leh sida kalluun ama hilib aan dufan badnayn. Biyaha ka dooro cabitaannada sonkorta leh, yaree cusbada iyo dufanka badan, kana taxaddar cabbirka qaybta cuntada.

Isbeddelka ku bilow si tartiib ah: khudaar ku dar qadada iyo cashada, miro dhan cun halkii casiir laga cabbi lahaa, oo cunto guriga lagu diyaariyey ka dooro cunto si badan loo warshadeeyey. Carruurta ka qayb geli diyaarinta cuntada si ay u bartaan caadooyin wanaagsan.

Haddii aad qabto sonkorow, dhiig-kar, xanuun kelyaha ah ama xaalad kale, talada cuntadu way ka duwanaan kartaa. Kala hadal dhakhtar ama nafaqeeye qorshe adiga kugu habboon.

Ogeysiis caafimaad: Qoraalkani waa wacyigelin guud oo keliya mana beddelayo talada xirfadle caafimaad.

— Abdiqani Mustafa Ali.

 

 

Add comment

Comments

There are no comments yet.